Jeclaan lahaydaa inaad yeelato website
Si aad Friintaada u gaarsiiso adduun waynaha
Ama aad Ganacsigaaga ugu horseedo guul
Nagu Saabsan
inagoon is buunbuuninayn
Waxaan nahay mareeg bixisa adeega samaynta website-yada noocyadeeda kala duwan, haday noqon lahayd mid shakhsiyeed iyo mid shirkadeedba.
Waxaanna macaamiisheena siinaa xirmooyin kala duwan oo dhamaystiran, kuwaas oo gacan ka geysta in ay ganacsigooda u horseedaan guul.
Si aan u hirgalino mashruuc guulaysta, waxaanu si taxadar leh u fahansanahay baahiyaha iyo rabitaanka macaamiisheena.
Dunidoo dhami wakhti xaadirkan waxay ku dhex nooshahay internet-ka, waxaase su’aal ah waxa adiga kaa reebaya, maad la jaanqaadidood dhisatid bulsho kuu gaar ah ama u gaar ah ganacsigaaga, adigoo taasi ku suurtagelinaya inaad anaga nala soo xidhiidho, si aad u yeelato goob lagaa heli karo xilli kastaa.
Talaabada ugu horeysa ayaa ah inaan wax badan ka ogaanaa agartida iyo doonista macmiilka, ee ku aadan mashruuciisa, inagoo dhageysanayna isla markaana hubineynaa inaan fahamnay aragtidiisa iyo fikradihiisa.
Ka dib markii aan ogaanno doonista macmiilka iyo aragtidiisa, waxaan qiimaynaynaa tamarta iyo kharashka ku baxaya fulinta mashruucaas.
Qiimaynta Ka dib hadii aan hishiino, waxaa inoogu xigaya, diyaarinta qorshe dhamastiran, laga bilaabo qeexidda ujeedooyinka mashruuca, ilaa ogaanshaha dadwaynaha la beegsanayo.
Halkan, waxaan naqshadaynaynaa tusaalooyinka mashruuca, ka hor samaynteeda, si ay noogu fududaato wax ka bedelkeeda iyo wax ku darkeeda, waxaanna la kaashan doonaa kooxdayada u heellan naqshadaynta si ay ula yimaadaan naqshadaha ugu fiican ee ku habboon mashruuca.
Ka dib marka uu macmiilka ku qanco naqshada mashruuciisa, soosaarayaasheenu waxay isticmaali doonaan agabyo iyo aalado u fududaynaya samaynta mashruucaas.
Haatan, waa markii dib u eegis lagu samayn lahaa, lana tijaabin lahaa mareegaha (Website) mashruuca inuu la jaan qaadi karo dhamaan agabyada la isticmaalo ee kala ah loptop, computer, iyo mobile-da noocyadooda kala duwan, lana hubiyo inuu ka dheer yahay khaladaadka.
Ka dib marka la hubiyo in wax walba ay yihiin sidii la rabay, haatan mareeguhu wuxuu diyaar u yahay in internetka la galiyo. Hadafka aannu uga dan leenahay geeddi-socodkan ayaa ah in aan hirgalino mashruuc guulaysta.
Faahfaahinta fikradda mashruuca, astaan tayadeedu sarreyso, qoraallo gaa-gaaban oo tilmaamo ka bixinaya mashruuca. midna xasuusnoow qoraalka soo jiidashoda leh iyo sawirada qurxoon isla-mar ahaantaana tayadeedu sarrayso inay ka qayb qaataan bilicda website-ka kana dhigaan qaab muuqaalkiisa mid qurxoon. laakiin hadii aanad lahayn astaan, ama aad leedahay laakiin se aad rabto inaad bedesho, waxaa ku jira koox ay wada shaqeyn naga dhaxayso, isla-mar ahaantaana ku takhasusay waxyaabaha la xidhiidha naqshadaynta, iyagoo naga caawinaya dhisidda astaantaada.
Haday tahay mid shakhsiyeed kharashku wuxuu ka bilaabmayaa $50 ilaa iyo inta ay gaarsiisan tahay baahiyaha qofka
Se hadii ay tahay mid shirkadeed kharashku wuxuu ka bilaabmayaa $200 ilaa iyo inta ay gaarsiisan tahay baahiyaha shirkadda.
lacag bixintu gabi ahaanba waxay dhacaysaa dhamaystirka mashruuca ka dib, muhiimadeenu koowaad waa qanacsanaanta.
Zaad, EVC, International Bank, Local Bank, iyo Paypal.
5 maalmood oo shaqo ah (aan ku jirin maalmaha khamiista iyo jimcaha) haday tahay mid shakhsiyeed
Se hadii ay tahay mid shirkadeed waxay qaadanaysaa muddo gaaraysa ilaa 10 maalmood, sidoo kale waxaa furan adeega degdega ah hadii loo baahdo.
May, maxaa yeelay hawl-wadeenadeenu waxay ku kala nool yihiin daafaha adduunkoo dhan, sidaa darteed hawshoo dhami waxay u dhacaysaa qaab toos ah (online), laga bilaabo hishiiska ilaa bixinta mashruuca.
in muddo 7 maalood oo shaqo ah aan bixino caawimaad, talooyin, hab-raacyo, iyo tilmaan-siin ku aadan hababka isticmaalka website-ka.
Haa, si buuxda ayay ula jaanqaadi karaan una wada socon karaan, taas oo macnaheedu yahay in si fudud looga daalacan karo dhammaan aaladaha aynu isticmaalno sida mobile-da, tablet-yada iyo PC-ga.
Haa dabcan, waxaana loo dhisayaa si ay ugu habboon tahay.
Mareege © 2023